Waa maxay LAmbarka 2-1-1?

Lambarka United Way ee 2-1-1 waa mid ka kooban saddex lambar oo si fudud u xasuusan karaan qoysaska iyo shaqsiyaadka deggan Minnesota iyo galbeedka Wisconsin (degmooyinka Douglas, Pierce, Polk and St. Croix) isla markaana ay wici karaan si ay uga helaan macluumaad gaar ah oo lacag la'aan ah, lana xiriira caafimaadka iyo adeegga dadweynaha. Xarunta dhexe ee lagaga jawaabo 2-1-1 waxaa jooga shaqaale ka jawaaba telefoonada 24/7 oo u tababaray hawlaha xiriirinta iyo adeegyada, waxa ayna si deg-deg ah u qiimeeyaan baahida isla markaasna wacahu u gudbiyaan halka ay gargaar ka heli karaan. 2-1-1 waxaad ka heli kartaa macluumaad ka kooban adeegyo kala duwan, oo ay ka mid yihiin:

  • Baahida Aasaasiga ah
  • Macaamiisha
  • Nidaamka Cadaaladda/Sharciyada
  • Waxbarashada
  • Deegaanka/Caafimaadka Dadweynaha iyo Amaanka
  • Adeegga Caafimaadka
  • Taageerada Dakhliga/Shaqaaleynta
  • Nolosha Qofka/Qoyska
  • Cudurada Dhimirka/Adeegsiga Maandooriyayaasha
  • Hay'adaha/Bulshada/Caalamka
2-1-1 ka Minnesota

Xilligaan, waxaa jira shan xarumood oo telefoonada looga jawaabo iyo lix xarumood oo laga helo adeegyada aan bixino ee ku yaala gobolkan oo dhan, kuwaas oo wadaaga keydka macluumaadka kaas oo ay ku jiraan 40,000 oo meelood oo laga helo adeegyada aad u baahan tihiin. Xafiiska United Way ee magaalooyinkan mataanaha ah waxa ay maalgeliyaan oo maamulaan xarunta wicitaanada ugu weyn ee gobolkaan , iyagoo mas'uul ka ah deegaanka magaalooyinka iyo inta badana gobolada koonfureed. Maadaama ay Minnesota tahay meeshii ugu horeysay ee laga bilaabay 2-1-1 sanadkii 2002,In ka badan laba milyan oo adeega ahi ayey sameysay. Qiyaas ahaan 50% dadka soo waca waxa ayna weydiinayaan sida ay ku heli lahaayeen adeegyada aasaasiga ah sida cunnada, hoyga iyo gaadiidka. Wiiii faahfaahin dheeri ee ku saabsan xarunta wicitaannada kale ee ku yaala Minnesota, fadlan wac, ka eeg maabka gobolka.

Doorka 2-1-1 ee Dib Uga Soo Kabashada Masiibooyinka

Marka ay dhacaan masiibooyinka dabiiciga ama midka dadweynaha ka dhasha, 2-1-1 waxa ay la shaqeysaa hay'adaha gurmadka ee degaanka iyo hay'adaha caawiya dadka dhibaatadu soo gaartay si ay uga caawiyaan dadweynaha macluumaadka la xiriira halka ay caawimaad ka heli karaan inta ay dhibaatadu socoto iyo dib u soo kabashada mudada dheer.

Need help finding a resource?

Call to speak with one of our highly trained Community Resource Specialists by phone.

Your call is completely confidential, and we have call menus in English, Spanish, and Hmong.

Call 2-1-1

Toll Free: 800-543-7709
Local: 651-291-0211
Text your zip code to 898-211*
24-7 / Confidential / All Languages

From Our Specialists:

Chat and text options at 2-1-1 will help us reach a whole new demographic of people with our services.

*Standard msg&data rates may apply. Text STOP to opt-out. For end user privacy and terms and conditions of texting with 898211, go to https://preventionpaystext.com/policies/